Sunday, 23 July 2023

WACYI IYO WAANO.

 بسم الله الرحمن الرحيم.

Bismilaahi Ar- raxmani Ar- raxiim.                                                      

Shaki kuma jiro in wakhtigu yahay ra'sumaalka ugu muhiimsan ee qofku haysto inta uu nool yahay, taasi oo macanaheedu yahay in wax waliba oo uu waayo uu heli karo badalkiisa, tusaale ahaan lacagtu way timaadaa wayna baxdaa, cilmiga waa la bartaa waana la hilmaami karaa, Hadiise hal daqiiqo oo ka mid ah noloshaada ay kaa tagto waa mid aan dhacayn in dib laguugu soo celiyo, sidaa awgeed waxaa mudan in ay qiimo wayn yeelato halka daqiiqo ee noloshaada ka mid ah.


Sidookale Waxan wada ogsoonahay in aan hada ku jirno wakhti fasax ah oo dadka intii wax baranaysay iyo intii shaqaalaha ahayd badankooduba ay nasasho gaaban ku jiraan , ((inkastoo dadka qaar aysan fasax galin ama uu kadhamaaday fasaxii.)) taasi waxa ay keentaa in qofku helo wakhti badan oo firaaqo ah isla markaana uu kaga lumo waxyaalo badan oo marka uu dib isku xisaabiyo uu garto in uusan ka faa'idaysan wakhtigii dheeraa ee ka tagay intii uu fasaxa ahaa, dabadeedna uu dib isku canaanto wakhti ayna canaantaasi waxba tarayn.

                    

                   #WAANO. 


si hadaba ayna taasi u dhicin oo aan uga faa idaysano wakhtigeena qaaliga ah ee ilaahay inagu manaystay waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa idinka iyo naftaydaba in aan ku mashquulino nafteena wakhtiga fasaxa ah talooyinkaan  soo socda :


1- In qofku isku dayo in uu xifdiyo qayb ka mid ah kitaabka Alle. 


2- In la booqdo dadka qaraabada ah.


3- In wakhti badan lala qaato waalidiinta.


4- In wakhti fiican lala qaato qoyskaaga (ubadka iyo hooyadood).


5- In la booqdo dadka xanuunsanaya.


6- In la booqdo dadka ku jira jeelasha.


7- In la booqdo dadka agooamaha ah.


8- In la akhriyo hal kitaab ama buug ugu yaraan.


9- La shaqaynta dadka  ku hawlan danta guud ee umada.


10- In laga qayb galo hawlaha tadawucnimo sida : wacyi galinta dhanka waxbarashada, la dagaalanka xanuunada, ururinta iyo qaybinta tabarucaadka, ka qayb qaadashada dhisida masaajidada iskooladada iyo madarasadaha, ka qayb galka shirarka bulshada waxtarka u leh.


11- Diyaarinta qormooyinka umada anfacaya.


12- Dhexdhexaadinta khilaafaadka bulshada iyo qoysaska.


Sidoo kale iyadna waxa haboon in laysku dayo in booqasho lagu tago meelaha muhiimka ah ee dhulkeena ka mid ah, taasi oo laga korodhsanayo aqoon guud oo ku saabsan dhulka hooyo, ama la booqdo dadka waayeelka ah ee laga faa'idaysanayo khibrad iyo waayo aragnimo dhanka cilmiga iyo dhanka noloshaba.


Gabagabadii waxaa lagama maarmaan ah in qofka muslimka ahi uu ku bixiyo wakhtigiisa meesha ku haboon si marka ay su'aashu timaado maalinta qiyaamaha uu u helo jawaabta ku haboon.

  عن ابن مسعود، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «لا تزول قدم ابن آدم يوم القيامة من عند ربه حتى يسأل عن خمس، عن عمره فيم أفناه، وعن شبابه فيم أبلاه، وماله من أين اكتسبه وفيم أنفقه، وماذا عمل فيما علم.» وراه الترمذي.

:Nabiga S.C.W. Waxa laga wariyay inoow yiri [ qofna ka dhaqaaqi maayo maalinta qiyaame meesha uu taagan yahay ilaa la waydiiyo shan arimood], waxa shantaas ka mid ahaa, Cumrigiisa meeshii uu ku bixiyay wakhtigii uu haysatay intii uu noolaa.

No comments:

Post a Comment

WACYI IYO WAANO

  WACYI IYO WAANO .    MOWDUUCA: WAQTIGA IYO MUHIIMADIISA.      Bismilaahi Ar- raxmani Ar- raxiim . • Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qo...