WACYI IYO WAANO.
MOWDUUCA: WAQTIGA IYO MUHIIMADIISA.
Bismilaahi Ar- raxmani Ar- raxiim.
• Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo
• sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo).
• Waxaa mar walba innagu waajib ah inaan waqtigeenna uga faa’idaysanno sida ugu habboon kagana faa’iidaysanno waxa Alle (SWT) raalligelinaya, si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raalli ku tahay.
• Waxyaabaha aan kaga faa’iidaysan karno waqtigeenna maxaa ka mid ah?
1. Cibaado suubban oo aan Allihii ina abuurtay (SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta la inoo abuuray inay tahay in aan Alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku Alle inoogu sheegay Qur’aanka (Jinka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyaane).
2. Innaga oo kaga faa’iidaysanayna cilmi aan baranno kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha adduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu horeeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah.
3. Ina aan nafaheena ku waajibino samaynta wanaagga, wanaaggaas oo aynu usamaynayno nafeheenna iyo walaalaheenna kaleba innaga oo ku caawinayna walaalaheen wax kasta oo wanaag ah sida (innaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siinna, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqanna, i.w.m.).
Ugu danbeeyn:
• Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay iyo buuraha figtooda, badda gunteeda waxaas oo dhana waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’iidayso daqiiqada aad haysato.
BARNAAMIJKEENII "WACYI IYO WAANO."